“Madaxweynuhu Afka ayuunbuu Ka Dhawray Qaban Maayo” Guddoomiye Saleebaan Saadaaliyay Dib u Dhac Doorashoyonka Ku Yimaadda

0
472

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa saadaaliyay  dib u dhac ku iman kara doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda Somaliland oo muddaysan in ay sannadka soo socda horraantiisa ka qabsoomaan dalka.

Waxaa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Muuse laftiisu afka uun ka dhawray in uu yidhaahdo doorasho qaban maayo laakiin ay sidaa u ekayd hadalkii uu ka yidhi arrimaha doorashooyinka shirkii jaraa’id ee uu qabtay.

Waxaanu intaa raaciyay guddoomiye Saleebaan in aanay imika taagnayn meel ay guurtidu ka soo gasho oo aanay cidina ula iman laakiin markay soo dhawaato ee ay xiligeeda gaadho ay ka talin doonaan ama ka hadli doonaan.

Waxaanu sidaa ku sheegay  hadal uu maanta ka jeediyay fadhigii golaha  odayaasha.

Haddaba halkan ka daawo warkaas oo faah faahsan.

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here