Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa digniin u diray siyaasiyiinta Soomaaliya ee ka hadla dagaal beeleedkii dhawaan ku dhex maray beelaha walaalaha ah koonfurta gobolka Sool.
Dagaal beeleedkaas oo marar dhawr ah soo noq noqday,ayuu sheegay madaxweynaha Somaliland in xukuumaddiisu tacab badan gelisay sidii shaqaadaas loo dhammayn lahaa isla markaana xal waara oo nabad ah looga gaadhi lahaa babada beeloodna loo sooafjari lahaa colaadda u dhaxaysa.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay soo dhawaynayaan ka Somaliland ahaan cid kasta oo gacan ka geysanaysan nabadaynta labada beelood oo madaxdhameedka Soomaaliyeed ah iyo cid kasta oo gurmad u fidinaysa dadka colaaddaad ku baro kacay iyo kuwa ku dhaawacmayba.
Halka uu meesha ka saaray madaxweyne Muuse in ay aqbalayaan in siyaasiyiin iyo qurbe joog sida uu dheegay dano kale colaadda labada beelood ka lihi in ay frao geliyaan arrinta gobolkaSool iyo nabadaynta labada beeloodba.
Waxaanu sidaa ku sheegay madaxweynaha Somaliland munaasibad lagu sagootinayey arday deeq waxbarasho ka heshay dalka Itoobiya.“Maalmahan waxan maqlayey dad badan oo siyaasiyiin ah ama qurbe-joog ah oo arrintaas (shaqaaqada gobolka Sool) siyaasadaynaya, Somaliland horena tacab badan bay u gelisay oo laba sannadood buu ciidankeedu joogay, haddana xoog badan bay gelinaysaa, waxba kala hadhi mayso sidii colaaddaas loo dhammayn lahaa, ciddii nabaddaas wax ka taraysa ee madax-dhaqameed ah ee Islaax waddana way oggoshahay, ciddii caawimo bani’aadannimo dadkaas barakacay iyo kuwa dhaawaca ahna waannu oggolahay, laakiin ma oggolin cid siyaasadaysa oo ujeeddooyin kale maanta ka dhex aloosta gobolka Sool.”
Madaxweynuhu waxa uu markale bulshada walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka Dhumay u diray baaq nabadeed, waxana uu sheegay in xukuumaddu ku hawllan sidii culimo, madax-dhaqameed iyo dawladba loogu gurman lahaa dadka dagaallamaya, “Waxannu mar labaad ugu baaqaynaa shacabka gobolka Sool in colaadda la joojiyo oo caqligu shaqeeyo, Somaliland-na hore gurmad way u gashay, haddana way gelaysaa, waxana aannu ku dedaali doonnaa wixii culimo, aqoonyahan, madax-dhaqameed ahiba inuu u gurmado gobolkaas Sool, si nabad looga dhaliyo, dadka halkaas joogana waxannu ugu baaqaynaa inuu Ilaahay colaadda ka jabiyo, khilaafkana ka saaro oo uu nabadgelyo kusoo dabbaalo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xogsoor media.Net
Hargeisa Somaliland