Xoghaye Ramaax oo Madaxweyne Muuse Ku Eedeeyay In uu Ku Fashilmay Hoggaaminta Dalka

0
479

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ku fashilmay hoggaaminta dalka isla markaana aanu ka soo bixin xilkii loo igmaday.

Waxaanu tilmaamay in gobolada dalka oo dhan in cabasho ka jirto oo ay durba quus ka joogaan Madaxweynihii dalka loodoortay,waxaanu intaa raaciyay in  fadhiidnimada dawladaha hoose iyo goleyaasha deegaanku in ay sababtay in magaalooyinkii dalka oo dhami in ay qayliyaan oo ay is doortaan.

Waxaanu arrintaa ku eedeeyay qorshe xumo iyo fadhiidnimo uu sheegay in ay ka timi dhanka Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here