War Deg Deg ah:Sucuudiga oo Qirtay Dilka Wariyihii La Waayay iyo Tirada Madaxda Boqortooyadu Eriday

0
475

Riyad(Xogsoor Media.Net):- Dawladda Boqortooyada Sucuudiga,ayaa qiratay dilka wariyihii reer Sucuudi ee lagu waayay qunsuliyadda dalkaasu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dawladda Sucuudiga,ayaa sheegtay  wariye Jamaal inuu ku dhintay gacan ka hadal dhex maray xubno shaqaalaha Qunsuliyadda ah  oo waraysanayay.

Inkastoo aanay faah faahin dawladda Boqortooyadu qaabka dilku u dhacay iyo halka uu meydkiisu ku dambeeyay waxay sheegtay in gacan ka dahal dhex maray isaga iyo koox sirdoon oo waraysanaysay gacan ka hadal dhex maray in uu ku dhintay.

Waxaanay isla caawa markii ay qiratay dawladda Riyad dilka wariyaha ay shaqadii ka eriday taliye ku xigeenkii Sirdoonka dalkaas waxaa kale oo la eryay dhawr xubnood oo kale oo ka mid ah waaxda sirdoonka Sucuudiga halka ay jiraan shaqsiyaad kale oo boqortooyadu isla caawa ay xidhay.

Warbaahinta Sucuudiga,ayaa tebisay war kooban oo ay sidan ku sheegeen.”BREAKING: Saudi state TV confirms that missing journalist Jamal Khashoggi was killed in Saudi consulate in Istanbul following a fight with people he met at the consulate. 18 Saudi nationals have been arrested.”

Xogsoor media.Net

abafgaab@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here