Xukuumadda oo Meesha ka Saartay Maalinta Keliya ee Loo Asteeyay Laguna Xasuusto Taariikhdii SNM

0
486

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xukuumadda Somaliland ayaa meesha ka saartay  maalinta keliya ee loo asteeyay laguna xasuusto halgankii SNM isla markaana lagu xuso shuhadadii  SNM eek u geeriyooday dib u xoraynta dalka Somaliland.

Maalinta 17-ka. Oktoobar oo ahayd maalintii ciidankii jabhaddii SNM iyo ciidankii dawladdii Siyaad Barre gaar ahaan ciidankii qaybta 26-aad oo taliskooda  guud ahaa casimadda Somaliland ee Hargeysa ay isku haleeleen deeaanka Burco Duurray oo ka tirsan deegaanka Soomaalida Itoobiya isla markaana dagaal aad u adkaa uu halkaa ku dhex maray SNM-na ay kaga dhinteen   33  jabhadda ka mid ahaa taasoo loo aqoonsaday maalintii SNM ugu dhimashada badnayd ka hor guda galkii gobolada ee 88-kii.

Waxaa maalintaa SNM dagaalkaa kaga dhintay MujaahidMaxamed Xaashi Diiriye Lixle oo ka mid ahaa haldoorkii iyo saraakiishii majaraha u hayay halgankaa hubaysnaa ee SNM.

Haddaba shirkii golaha wasiiradda Somaliland ee maanta oo khamiis ah ayaa meesha ka saaray maalinta keliya ee mujaahidiintii SNM ee Somaliland xoreeyay loo asteeyay in lagu xuso isla markaana maalintan u aqoonsaday maalinta geesiyaasha  qaran.

Waxaana lagu sheegay in aalintani ay u taagan tahay  dhammaan  halganadii Somaliland loo soo maray  oo laga soo bilaabay halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee hoggaaminayay ciidankii Daraawiish ee ka hor yimi gumaystihii SNM.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa,waxaa ka mid ahaa in meesha laga saaray maalin u gaar ah SNM isla markaana maalintan loo aqoonsaday maalinta geesiyaasha qaran.

Qodobka lagaga hadlay arrintan  ee ku jiray war-saxaafadeedka  ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland,ayaa u dhignaa sidan.

“Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo tixgalinaya mabaadiida aas-aasiga ah ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Sooyaalada halgamadii taariikhiga ahaa ee dalka soo maray, sida Halgankii Gobonimo-doonka Daraawiishta, kacdoonkii Culimida, aqoonyahanka, Suugaanleyda, halgankii gobonimo-doonka ahaa ee Axsaabta Siyaasadda, halgankii hubaysnaa ee SNM iyo halganka  naftood hurayaasha ilaa maanta naftooda saymaha u galiya difaaca jiidaha hore ee dalka, waxay go’aamiyeen in maalinta Xuska Shuhadada SNM ee 17-ka Oktoobar magaceeda loo bedelo xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Somaliland ee 17-ka Oktoobar.”

Lama oga jawaabta ay ka  bixin doonaan hoggaanka xafiiska keliya ee SNM ay dalka ku leedahay ee jimciyadda mujaahidiinta Sooyaal ee SNM iyo guud ahaan  halgamayaashii SNM.

 

Xogsoormedia.net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here