W/warark(Xogsoor Media.Net):- Madaxada hay’adda lacagta adduunka ee IMF Christine Lagarde ,ayaa baajisay socdaal ay ku tegi lahayd dalka boqortooyada Sucuudiga o ay kaga qayb geli lahayd shir caalmiya oo lagaga hadlayo Maalgashiga oo lagu qabanayo dalka Boqor tooyada Sucuudiga.
Waxaa kale oo iyaguna la sheegay in aanay shirkaa ka qayb galayn shirkado iyo Hay’addo kale oo caalami ah sababo la xidhiidha xaaladda saxafiga la waayay ee Jamaal Khashoggi oo ay ugu dambaysay muuqiisa markii uu galay qunsuliyadda dalka Sucuudiga eek u taalla magaalada Stanbul ee dalka Turkiga.
Shirkadaha iyo hay’adaha ugu weyn ee dunida ayaa qaadacaya shir maal-gashi oo 23-ka illaa 25-ka October lagu qaban doono dalka Saudi Arabia, sababo la xidhiidha xaaladda suxufiga la lay’ayah ee Jamal Khashoggi.
Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF Christine Lagarde oo lagu waday inay ka qeyb-gasho shirka, ayaa baajisay safarkeeda, sida uu sheegay afhayeenka IMF, oo aan bixin wax sharraxaad ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xoghayaha maaliyadda Steven Mnuchin uu jimcaha go’aan ka gaari doono inuu ka qeyb-galayo shirka Hindisaha Maal-Gashiga Mustaqbalka ee Riyadh iyo in kale.
Shirkan oo ay soo abaabushay hay’adda Sanduuq Maal-galinta Guud ee Sacuudiga ayaa waxaa qorshuhu yahay in lagu muujiyo isbeddelada dhaqaale ee uu wado dhaxal-suge Maxamed Bin Salman.
Si kastaba, shirkan ayaa jahwareer uu asiibay kadib markii la waayey suxufiga sacuudiga ee Jamal Khashoggi, oo ahaa nin dhaliila boqortooyada, kaasi oo aan la arag tan iyo labadii October markaas oo uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Website-ka shirka oo markii hore ay ka muuqdeen liiska dadka ka hadli doona shirka, ayaa hadda laga saaray liiskaas, xilli ay sii kordhayaan dadka shirka qaadacaya
Xogsoor Media.Net
Xogsoor.com
Hargeisa Somaliland