Hargeysa(Xogsoor Media.Net)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay weerar ay maleeshiyaadka Puntland ku soo qaadeen xalay jiidda hore ee ciidammada qaranka ee ku sugan Tukaraq, waxaanay ku eedeyaysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in aanay fulin go’aammadii beesha caalamku soo jeedisay.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Md. Maxamed Muuse Abees oo maanta shir jaar’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa faahfaahiyey dagaalkaas “Waxaan iskugu kiin yeedhnay inaanu idin siino war la xidhiidha dhacdo yar oo xalay abaaro 9:00 cawaysnimo ka dhacday fadhiisinka hore ee ciidammada qaranka Somaliland degan yihiin ee Tuka-raq ayey maleeshiyaadda Puntland ay ku soo qaadeen weerar ku dhufoo ka dhaqaaq ah. ciidanka soo weeraray waxay siteen hub casri ah oo uu ka mid ahaa qalabka habeenkii lagu galo dagaalka ee la xidho iyo hub kale oo loogu talogalay in lagula dagaalamo argagixisadda ayey isticmaalayeen,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland.
Wasiir Maxamed Muuse Abees waxa kaloo uu intaas ku daray; “Dagaalkaasi markii uu dhacay markiiba maleeshiyada Puntland jawaabteedii way heleen, goobtii ay soo weerareenna waa laga celiyey. Waxa dagaalkaasi Somaliland nagaga dhaawac dhintay hal askari. Wax kaloo khasaare ah oo naga soo gaadhayna ma jirto. Laakiin iyaga Puntland dhinacooda ma xaqiijin karno dhimasho iyo dhaawacba,laakiin wax way jiraan.”
Wasiir ku-xigeenka Warfaafintu wuxuu Soomaaliya ku eedeeyey in aanay fulin xabadjoojintii beesha caalamka, waxaannu yidhi; “Waxa soo noqnoqday weerarka ay maleeshiyaadka Puntland ay ku soo qaadayaan Somaliland, waxase aanu uga digaynaa oo u sheegaynaa inaanu annagu (Somaliland ) u hoggaansanay go’aankii EU-da iyo IGAD oo iskaga dabqaadayey Xamar, Garoowe iyo Hargeysa, go’aamadii ka soo baxayna ay ahaayeen afar qoddob oo kala ahaa in xabadda la joojiyo, in isdhaafsiga maxaabiista iyo barkacayaasha, annagu sidoodii ayaanu qoddobadaas u qaadanay oo u fulinay annagoo eegayna duruufaha iyo dhibaatooyinka taagan, laakiin dowladda federaalka ee Soomaaliya arrintan may qaadan oo waxba kamay fulinin.
Markaa annagu (Somaliland) waxaannu leenahay intii aanu dulqaadanaynay waanu dulqaadanay maanta wixii ka dambeeyana waajibakayaga ayaanu ka qaadan doonaa.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland