Xukuumadda oo Maxkamadaha ka Joojisay Ka Garnaqa Dacwadaha Danta Guud

0
428

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xukuumadda Somaliland,ayaa  sheegtay in ay codsi u gudbisay Maxkamadaha dalka isla markaana ay ka dalbadeen in aanay ka qar naqin dacwadaha dhulka iyo guryaha danta guud ah ee la isku qabsado una dayso wasaaradda hawlaha guud guriyaynta iyo dhulka oo sheegtay in ay shaqadaa iyadu qaranka  u qaabilsan tahay.

Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo maanta hor tagay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa dhinaca kale cadeeyay in ay diiwaan geliyeen hantida Dawladda. Waxaanu sheegay in ay soo heleedh dhul iyo guryo badan oo dawladeed oo aan cidna u diiwaan gashanayn isla markaana  ka mid ah hantida ma guurtada ah ee dawladda oo imika ku jira liiska hantda qaranka.

 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa aanu doonaynaa in aanay maxkamadu dhul Dawladeed iyo dan guud ka garnaqin ee ay annaga noo daayaan, Guddoomiyaha Maxkamada sare shaqo wanaagsan iyo ballanqaad wanaagsana waanu ka haysanaa in aanay ka gar qaadin.

 

Meel ay dawladi leedahay oo aanaan diiwaan gelinina ma jirto ama dhul bannaan ha ahaato ama meel dhisan ha ahaatee, waxa aanu  soo helnay dhul Hargeysa ku yaala oo Baraf lagu kaydiyo oo ay Dawladdii Siyaad Barre Samaysay, balse aan wax war ah loo haynin.

Waxa aanu soo helnay Guryihii Maacuunka ee dawladdii hore ay lahayd oo aan cidnaba u diiwaan gashanayn” ayuu yidh

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here