“Jaamac Shabeel Ilaa Hadda, Waxaan Rumaysa-nahay Inuu Yahay Guddoomiyaha Golaha Dhexe” Xuseen Badmaax

0
367

Hargeysa (Xogsoor Media.Net)- Siyaasiga Xuseen Xasan Badmaax oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-Shabeel) ay u aqoonsan yihiin Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

 

“Gole dhexe ayaa ka qaadi-kara ama shirweyne ayaa lagu bedeli-karaa, Madaxweynaha dalka ayaa ah Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Guddoomiye ku xigeenku-na waa Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin. Markaa waxay ahayd inuu wareejiyo Guddoomiyenimada,maadaama oo uu hayo xilka Madaxweynaha dalka.” Ayuu yidhi Xuseen Badmaax

 

Xuseen Badmaax oo hadalkiisa sii watay,waxa uu yidhi “Wuxuu u muuqdaa Muuse (Madaxweynuhu), habka uu u dhaqmayaa inay tahay wax iska-caabin oo xal inuu keeno xisbiga guddihiisa ma muuqato. Jaamac Shabeelna ilaa hadda waxaan rumaysanahay inuu yahay Guddoomiyihii golaha dhexe, waana baadil ta lagu sameeyey oo baadilnimadii uunbaa lagu soo adkaysanayaa.” Ayuu yidhi Xuseen Badmaax

 

 

Halkana ka daawo Warkan oo faah-faahsan.

 

Xogsoor media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here