Hargeysa (Xogsoor Media.Net)- Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gebi ahaanba joojisay in lagu qabto dalka, mashruuca Africa Science Week, oo qorshaysnaa in uu berry dalka ka furmo kaas oo ay soo qabanqaabiyeen hay’ada UNDP iyo Somali Stem Society.
Xukuumadda,ayaa barnaamijkan mamnuucday in guud ahaan dalka lagu qabto iyadoo sheegtay in uu lid ku yahay qarannimada iyo Madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
.
Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u xaqiijisay wargayska Dawan in ay gabi ahaan ba joojiyeen mashruuca Africa Science Week oo Axadda berri loo qorsheeyey in uu ka qabsoomo magaalada Hargeysa.
Mashruuca Africa Science week oo ay soo qabanqaabisay Somali Stem Society ayaa loo qorsheeyey inuu ka qabsoomo 6 magaalo oo Soomaaliya ka tirsan, balse sifo qarsoon loogu daray caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa wargeyska Dawan u xaqiijiyey in ay gebi ahaanba mamnuuceen in dalka lagu qabto mashruuca Africa Science Week.
“Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland, dorraad ayey mamnuucday in barnaamijka Africa Science Week dalka lagu qabto, qolyahii ku hawlanaana lagu wargeliyey” ayuu yidhi masuul ka tirsan xukuumadda Somalialnd oo aanu la xidhiidhnay.
Dhinaca kale, qabashada banraamijka Africa Science Week ayuu sidoo kale ka digay in dalka lagu qabto, siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi, isla markaana ugu baaqay xukuumada Somaliland iyo shacabka inay fiiro gaar ah u yeeshaan kooxo sifooyin khaldan siyaasadaha Soomaaliya uga hirgelinaya gudaha Somaliland.
“Mashruucan oo UNDP wadato waxa lagu qabanayaa dhamaan caasimadaha gobolada Soomaaliya, kolkaa caasimadaha ay sheeganayaan waxa ugu horreeya caasimada Somaliland ee Hargeysa, taas oo aan u arko faragelin UN-ku ku hayaan gooni-isu taaga Somaliland. Waxaan ku baaqayaa in dawladu ka hortagto, waxii arrinkaa galayna tallaabo ka qaado.”
Xigasho Dawan
Xogsoor media.Net
Hargeisa Somaliland