Wasiirka Hawlaha Guud oo Ka Hadlay Dhibaato ay Danta Guud iyo Danyarta Ku Hayaan Nootaayooyinka iyo Hantiileyaashu

0
380

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Wasiirka Wasaarada Hawlaha   Guud  Dhulka iyo  Guriyaynta Somaliland   Cabdirashiid   Xaaji  Ducaale   Qambi,ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatooyin is barkan oo ay dhulka danta guud ah ee qaranku leeyahay iyo dadweynaha danyarta ahba ay ku hayaan Nootaayooyinka iyo  hantiileyaasha.

Waxaanu intaa raaciyay in hantiileyaashu  dadka danyarta ah lacag aad u badan la dul yimaadaan oo dhul kaga iibsadaan isla markaana nootaayooyinka uun la isla tago oo nootaayooyinkuna ay u sameeyaan sharci aan jirin oo been ah.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay nootaayooyinku in ay dhul la isku haysto oo lagu muran sanyahay ay sharci u sameeyaan isla markaana dalka ka abuuraan muran dhul oo aad u badan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida dhulkii danta guud ahaa ee ummaddu wada lahayd ee magaalooyinku in uu u gacan galay dadweynaha gaar ahaan tiro kooban oo uu sheegay in ay hantiileyaal yihiin.

Waxaanu caddeeyay in magaalada Berbera gebi ahaanba dhulkii danta guud ahaa la wada qaatay,laakiin ay gacanta dawladda ku so celin doonaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in  nootaayooyinka ay ka wada hadli doonaan wasaaradda caddaaladda oo sharciyadda siisa,waxaanu hantiileyaasha u soo jeediyay in ay u tudhaan dadkooda  oo ay ka daayaan lacagtan aan caalamka meelna dhul lagu kala iibsan ee ay dhulka ku baayacayaan ee ay danyartii ugu diideen in ay dhul yeeshaan.

 

.

Wasiir Cabdirashiid oo u warramay  HCTV.waxa uu hadal kiisa ku bilaabay sidan. “Dalka  dhibaato badan ayay ku hayaan   nootaayooyinka oo qaar  ka diiwaan gashan   yihiin Wasaarada Caddaaladda qaarna aanay diiwaan gashanayn  iyadoo meelna la tegin oo sharci la marin ayaa labo qof iskula imanayaan dhul ayaa  la iibsanayaa   waa loo sharciyaynayaa  oo dhul dawladdu leedahay  ayay kala wareejinayaan  dhul dad isku haysto ayay kala wareejinayaan   oo sifo aan sharci ahayn ayay raacayaan  wasaarada Caddaaladda ayaan kala hadli doonaa dhibaatada Nootaayooyinku ku hayaan dalka.”.

Wasiirku  waxa uu sheegay gacanta dawladda  ay kusoo celin doonaan maamulka dhulka.waxaana uu yidhi

 

“Waxaanu wadnaa sidii gacanta dad weynaha aanu uga soo celin lahayn  dhulkan dadku iska sheeganayaan   waxa dhacday in qof waliba meesha uu doono dego,waxa dhacday in qof waliba hanti   dawladeed iska qaato,arimahaa wax badan ayaanu ka qabanay si mintidnimo ah ayaan u daba soconaa,”.

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay  in la boobay dhulkii magaalada Berbera isla markaana meelkasta dad shacab ahi dhisteen.waxaanu yidhi“Berbera meel  aan    la sheeganaynin ma jirto    illaa Xabaalo tumaalood  way dayran tahay meel aan la lahayn majirto  dawladda hoose ee Berbera  may ahayn in shan KM magaalada ay dhaafaan ,dhulkaa waa la wada yeeshay Berbera waa    magaalo dhulkeedii la boobay oo wax dawladdi leedahay oo  loogu soo hagaago aan lahayn  ayaan u arkaa Berbera 5o Mitir oo dayran ayaad arkaysaa waxaana leh  shacab hantiile-yaal ah .”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in ay wadaan sidii go’aan ay uga gaadhi lahaayeen dhulka Hargaysa ee shacabku  wada sheeganayo.waxaana uu yidhi“Hargaysa  xaga koonfurta  waxa dhul lagu   sheegayaa  Beero    hadaad bariga u dhaqaaqdo waa la mid  Galbeed iyo Waqooyi waa la mid,markaa waxa jirta dhibaato ah dadkii oo dhulkii yeeshay   meel Sogsog Ciin iyo Caws ka baxeen ayaa lagu odhanayaa waa Beer in afka lagala xishoodo ayaa wanaagsan  markaa dhulka   Hargaysa waanu wadnaa in aanu go’aan ka gaadhno,”.

Sidoo  kale   Wasiirku waxa uu sheegay in aanay aduunka ka jirin dhul lagu kala iibsado  hal milyan oo doolar sida   Somaliland oo kale waxaana uu usoo jeediyay ganacsatada in ay dalka u tudhaan.waxaana uu yidhi“ummaddu  waa  danyar  lacag  ayaa loo keenayaa saddex boqol  oo kun oo doolar ayaa laga siisanayaa dhul   keenayaa  aduunyada  meel waxaas oo lacaga dhul   lagu iibsanayaa majirto  50  mitir ayaa afar boqol oo kun oo doolar la kala siisanayaa,magaalada badhtanka   Hargaysa hal  milyan     oo doolar  ayaa la kala siisanayaa dhulkii  la iibsanayo  meel  adduunka laga isticmaalaa majirto waxaas.waxaana iibsanaya dad yar oo hanti  leh  ayaa dalka sidaa u galay wax ummaddu la nooshahay majirto   ganacsatada  in umaadda u tudhaan ayaa wanaagsan.”.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here