Xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE oo Kulan Loogu Yeedhay iyo Jaamac Shabeel oo Ka Hadlay Shaqada U Taalla

0
501

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE,ayaa loogu yeedhay kulan qabsoomi doona maalinta sabtida ee todobaadkasoo socda.

Waxaana kulankaa ugu yeedhay oo shaaciyay  Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE  Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac Shabeel oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay shay sheegeen in ay xilkii iyo xubinnimadii golaha dhexeba ka saareen.

Jaamac Shabeel,ayaa ku dooday in uu isagu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee golaha dhexe isla markaana uu xubnaha golaha dhexe ugu yeedhay  shir aan caadi ahayn oo uu tilmaamay in ay xisbiga ku badbaadinayaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in xisbiga iyo dalkaba in ay fawdo ka jirto oo loona baahan yahay in ay ka talo bixiyaan oo ay badbaadiyaan.“Fawdada dalka ka jirta warqadani ka mid ayey ahayd, dastuurka xisbigu waa ka mid, dastuurka somaliland waan ka mid, waxaanan halkan ugu baaqayaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye inay maalinta sabtida ah iskugu yimaadaan xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay awoodaha ay leeyihiin xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo in ay yihiin hay’adda ugu sarraysa ee xisbiga KULMIYE. “Iyaga ayaa awooda leh waana hay’adda ugu saraysa xisbiga, cid kasta oo ku gefta xeerka iyo barnaamijka xisbigana golaha dhexe ayaa awood u leh wax ka qabashadeeda, sidaas darteed waxaan ugu celinayaa mar labaad hawl culus ayaa taala oo xisbigii in la kala diro ayaa la doonayaa oo la burburiyo  xilkuna idinka ayuu idin saaran yahay, waana inaad maalinta sabtida ah aad iskugu timaadaan xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye si aad talo uga gaadhaan go’aana uga qaadataan fawdada xisbiga iyo dalkaba dhex socota.”

Xogsoor Media.Net

Xogsoornews.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here