Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka Dareen Celiyay Tallaabadii Jaamac Shabeel Kulmiye Ku Eryay

0
440

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo hore Xisbiga KULMIYE hoggaankiisa uga mid ahaa isla markaana xilka iyo xubbinnimadada laga saaray xoogna loo adeegsaday oo ciidan loo dalbaday madal shir gole dhexe oo xisbiga ahi ay ka furantay oo  lagu dhanyahayna awood ciidan bannaanka lagaga dhigay,ayaa ka dareen celiyay  qaabkii xisbiga Kulmiye u eryay guddoomiyihii golaha dhexe e xisbigaas Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac shabeel.

Waxaa kale oo uu sheegay in waxa Jaamac Shabeel ku dhacay in ay tahay wax uu hore u galay oo uu sii dhigtay iyo caddaalad darro uu ku sameeyay rag isaga ka horreeyay oo hoggaanka xisbiga ahaa.

Waxaa kale oo uu  intaa raaciyay in waxa dhacayaa ay yihiin dhaqan soo jireen ah oo uu KULMIYE leeyahay.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in aanu ku faraxsanayn waxa ku dhacay Jaamac Shabee. Siyaasigan oo ka hadlayay waxa Jaamac Shabeel ku dhacay waxaa uu yidhi.

“Horta ninkaas Jaamac shabeel saaxiib ma nihin, nin aan jecelahayna maaha, foolxumadii meeshaas ka dhacdayna qayb weyn ayuu ku lahaa hase yeeshee waxa la yidhi nin haddii la  lagdo oo uu jiifsado laguma sii joog joogsado, markaa shakhsigaas aanan jeclayn qof ku talax tagaya ma ihi, qofkuna wixii uu sameeyo way ku noqonayaan, soomaaliduna waxay tidhi booraamo hadimo ka qodin hadaad qodidna ha dheerayn ku dhici doontaana mooyee, markaa ninkaas odayga ah waxaas lagu sameeyey haday wanaagsan yihiin iyo haday xun yihiinba waa xaqdaradii uu isagu bilaabay ee uu madaxtooyada lacagta kaga qaatay, kaligayna igumay dhicin ee Cabdiraxmaan Talyanle iyo Waabeeye way ku dhacday, waxan uu kulmiye maanta sameeyeyna ceebtiisa maahee waa caadadii.”

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in dhaqanka Kulmiye ay ka md tahay in falal aan wanaagsanaynlagula dhaqmo hoggaankaxisbiga isla markaana marba qaar ka mid ah xoog loo adeegsadoama la yidhaahdo waa la eryay. “Kulmiye waxaan leeyahay caadadani mid wanaagsan maahee bal dib u xisaabtama oo qawaaniinta aad samaysataan raaca ama iska tuura, meeshaa Kulmiye tacadigii iyo dhibaatadii iga gaadhay ilaahay khayr ayuu iiga dhigay oo waxaan u malaynayaa inaan magac iyo sharaf ka helay.”

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here