Wasiirka Hawlaha Guud oo Caddeeyay in La kala Iibsaday Dhismeyaal Hanti Qaran Ahaa

0
524

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi,ayaa caddeeyay in ay  jiraan dhismeyaal Hantiqaran ahaa oo la kala iibsaday oo ka baxay gacanta dawladda isla markaana dad shicib ahi ay isku wareejiyeen oo ay kala iibsadeen.

Wasiirka oo maanta hor tegay gudiga joogtada ah ee golaha guurtida oo ay su’aalo ka waydiiyeen hantida ma guurtada ah ee qaranka iyo inta aan ku jirin gacanta dawladda ee la kala iibsaday gaar ahaan hangaradii waawaynaa ee loo yaqaanay INJI,ayaa sheegay in ay jiraan Hangaro Hargeysa iyo Berberaba ku yaalla oo ka abxay gacanta dawladda isla markaana ay dad shicib ahi kala iibsadeen oo ay  la kala wareegeen.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan hoose ka daawo.

Xogsoor Media.Net

Xogsoornews.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here