Muqdisho: Masuuliyiin Dawladeed oo Maxkamad La Soo Taagay iyo Nooca Dambiyada Loo Haysto

0
426

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):- Masuuliyiin la tirsan dawladda Soomaaliya,ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir la  hor keenay isla markaana  ay maxkamaddu bilawday dhegaysiga eedaha loo haysto laba Masuul oo ka tirsan Wasaaradda Gargaarka oo Musuq maasuq lagu eedeeyay.

 

Masuuliyiinta eedaysan ayaa kala ah agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaarada gargaarka Daahir Maxamed Nuur iyo xoghayihii joogtada ahaa ee wasaarada gargaarka Maxamed Cumar Macalim oo maqane ah kaas oo aan ka soo xaadirin fadhiga maxkamada.

Dhagaysiga dacwadan oo ay goob joog ahaayeen xeer ilaaliyaha guud Dr. Axmed Cali Daahir, ku xigeenadiisa iyo qareenada difaacayey eedaysanaha la maxkamadeeyey.

 

Gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir garyaqaan Muuse Macalim Maxamed oo maxkamada furay ayaa arkhriyey eedaha loo haysto eedaysanayaasha maxkamada la hor keenay oo uu soo xaadiray eedaysane Daahir Maxamed Nuur.

 

Xeer ilaalinta ayaa dhinaceeda soo bandhigtay cadaymaha ay u hayso dacwadaha loo haysto labadan masuul, iyada oo qareenada difaacayey eedaysane Daahir Maxamed Nuur ay iska difaaceen eedaymaha xeer ilaalinta isla markaana soo bandhigeen  difaacooda sharci.

Gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Muuse Macalim Maxamed ayaa xidhay maxkamada isla markaana dhagaysigeeda mar kale u balamiyey dhinacyadu inay iskugu yimaadaan maalinta khamiista ah ee dhamaadka todobaadkan

Xogsoor Media.Net

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here