Boorama: Golaha Deegaanka Oo Doortay Maayer ay Hore Eedo Musuq Maasuq ugu Rideen

0
517

Boorama(Xogsoor Media.Net):- Golaha deegaanka Degmada Boorama ayaa maalmo muran ka dhex taagnaa ka dib doortay Maayer ay hore u rideen laguna eedeeyay oo xilka hore ugu waayay Musuq maasuq.

Maayerkii hore ee Boorama Maxamed Xuseen Maydhane,ayay ku socotay baadhis uu hantidhawrku ku sameeyay dawladda hoose ee Boorama isla markaana lagu eedeeyay Musuq,waxaana la sheegay in Hantidhawrku shaqada ka joojiyay.

Waxaa kale oo maalmihii u dambeeyay muran uu ka dhex taagnaa maamulka gobolka Awdal iyo xubno kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama oo ku doodayay in guddoomiyaha gobolka Cabdiraxmaan Axmed Cali in uu awood u adeegsaday golaha deegaanka Boorama isla markaana shir aanay xildhibaanadu dalban in uu wado oo uu xilka kaga qaadayo Guddoomiyaha degmada Maydhane.

Muran maalmo taagnaa ayay soo faro gelisay dawladda dhexe waxaana labadii maalmood ee u dambeeyay  magaalada Boorama ku sugnaa wefti uu hoggaamiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaa gudaha Somaliland oo labadii maalmood ee u dambeeyay shirar aan loo kala  kicin ay wada lahaayeen maamulka gobolka iyo ka degmada Boorama.

Shirarkaas oo illaa xalay saacadihii dambe socday,ayaa mar kale saaka dib la isgu soo noqday waxaanay wararku sheegayaan in weftiga xukuumadda iyo xubno ka socday dhanka Maayerka xilka ka degay in ay gaar isu  arkeen kana wada hadleen in Maayerku xilka ka dego iyo in xukuumaddu ballan qaado in aan Maayerka dambi loo samayn ama aan lagu soo oogin wax musuq maasuq ah.

Waxaanay wararku intaa raacinayaan in ballan qaad buuxa ay xubnaha xukuumaddu u sameeyeen maayerka hore isla markaana uu sidaas isku casilay.

Is casilaadda Maayer Maxamed Xuseen Maydhane ka dib waxaa loo gudbay wajiga labaad ee ah in maayer cusub la doorto waxaana u tartamay laba xubnoodoo ka mid ah golaha deegaanka degmada Boorama oo kala ahaa Maxamed Muxamed Faarax Dheerayste iyo Saleebaan Xasan Xaddi.

Markii codaynta maayerka la guda galay fadhiyay 20 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama waxaana  u kala codeeyay Dheerayste  oo helay 9 cod iyo xaddi oo helay 10 cod.

Waxaana sidaa maayerka Boorama ku noqday Saleebaan Xasan Xaddi ooh ore xilkan maanta loodoortay arrimo Musuq maasuq oo lagu eedeeyay xilkaas lagaga qaaday.

Haddaba qaabka ay u dhacday doorashada maayerka Boorama oo waxoogaa buuq ahina uu ka dhashay halkan hoose ka daawo.

Xogsoor Media.Net

Xogsoornews.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here