Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax oo aan mar keliya ka hadal intii uu socday murankii kataagnaa xeerka kufsiga oo golaha wakiiladu uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay isla markaana Madaxweynaha Somaliland wareegto ku dhaqan geliyay,ayaa markii murankii xeerkaa ka aloosmay uu soo afjarmay ee culimada,asxaabta qaranka,iska arkeen islamarkaana Xukuumaddu ku dhawaaqday in dib u eegis lagu samaynayo ka hadlay qaladaadkii uu golohoodu u codeeyay.
Xeerka Kufsiga oo markii ugu horraysay ay ceebaha ku jira kashifeen mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland oo sheegay in xeerkaasi uu baal marsan yahay shareecada Islaamka isla markaana ay ka digtay Guurtidu intaan Madaxweynuhu ansixn ee aanu dhaafin golaha wakiiladda,ayaanay golaha wakiiladu waxba ka soo qaadin hadalkii guurtida.
Waxaanay golaha wakiiladu xeerkaa ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah ka dibna waxay u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isna muddo kooban ku dhaqan galiyay.
Laakiin mudaneyaasha golaha guurtida,ayaa halkaa kaga hadhin oo dalbaday in xeerkaa dib loogu soo celiyo oo la waafajiyo shareecada Islaamaka isla markaana ku hanjabay in ay joojiyanaan wada sahqayntii ay la lahaayeen golaha wakiilada.
Markii hadalka Guurtida ee xeerka Kufsiga daba socday uu joogsan waayay waxaa iayguna soo galay arrinta culimada oo si adag uga hadlay iyo asxaabta qaranta,taasina waxay keentay in ugu dambayn ay xukuumaddu ku dhawaaqdo in xeerkaa dib loogu noqonayo oo wax ka bedellagu samaynayo lana waafajinayo shareecada Islaamka.
Muddadii uu hadalka xeerku socday oo dhan guddoomiyaha golaha wakiilada shir guddoonka wax hadal ah lagama maqal guud ahaan golaha wakiiladana waxaa ka soo yeedhay mudaneyaal ka tirsan oo xeerkaa difaacaya oo keliya.
Laakin markii wax waliba ay dhammaadeen ee xeerkii xukuumaddu ku dhawaaqday in ay dib u eegis ku samaynayso oo shareecada la waafajinayo,ayuu guddoomiye Baashe isagoo qiranaya in xeerkaasi qaladaad badan leeyahay uu ka hadlay.
“Xeerka Kufsigu wuxuu maray Golaha Wakiillada, wuxuu u gudbay Golaha Guurtida, waxaanu gaadhay Madaxweynaha oo saxeexay, markaa xeerkaasi wuu dhaqan-galay.laakiinse qodobo ku jira ayaa la yidhi waxay ka
Waxaanu intaa raaciyay “Wax allaale wixii Shareecada Islaamka ka hor imanaya ee ku jira xeerkaasi waa waxba kama jiraan” ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland