Xoghayaha Guud ee KULMIYE oo Sheegay In Jaamac Shabeel Ku Hadli Karin Afka Xisbiga

0
551

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE  Xasan Siciid Yuusuf ayaa sheegay in aanu guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigiisu ku hadli karin afka xisbiga isla markaana aanu arrimaha xisbiga ka hadli karin  laakiin uu si shaqsi ah u hadli karo fikirkiisa gaarka ahna uu u madaxbannaan yahay.

Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in xisbiga dhexdiisa uu khilaaf ka taagan   yahay oo ay is hayaan hoggaanka sare ee Xisbigu gaar ahaan  Guddoomiyaha Xisbiga oo ah madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Xoghayaha guud Xasan Siciid iyo Guddoomiyaha golaha dhexe Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac Shabeel.

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

Xoghaye Xasan oo  ugu horrayn ka hadlayay wararka sheegayay in hoggaanksa sare ee Xisbiga KULMIYE khilaaf ka dhex taagan yahay,ayaa yidhi.

“Arrintaas Waxba kama jiraan, waxaanay ku qornaayeen Baraha ay bulshadu ku kulanto waxaana la lahaa aniga (Xoghayaha Guud Ee Kulmiye), Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Madaxweynaha ayaa is haya, warkaasna waxba kama jiraan waana been” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf Xoghayaha Guud ee Kulmiye.

 

Waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlayay in guddoomiyaha golaha dhex ee xisbigu in aanu afka xisbiga ku hadli karin “Jaamac wuxuu ka hadlay arrintii ku saabsanayd Xeerka Kufsiga, waxaanu u hadlay sidiisa shakhsiga ah, jaamac Shabeel maaha hogaanka Xisbiga, afhayeenka Xisbigana Maaha, magaca xisbiga iyo afka xisbigana kuma hadli karo.

 

Haddii uu hadlayna xor buu u yahay in uu shakhsiyadiisa u hadlo, laakiin Xisbiga Kulmiye hogaan buu leeyahay aniguna waxaan ahay xoghayaha guud ee xisbiga, afhayeen buu leeyahay, Guddoomiye ayuu leeyahay wixii qadiyad ahna xisbiga Dhexdiisa ayaa lagaga hadlaa, Laakiin suuqa lagagama hadlo, madaxweynahana ismaanu qaban.

Umadda hadalkaas maqashayna waxaan u caddaynayaa in ay tahay been aanay waxba ka jirin haba yaraatee, Madaxweynuhuna, waa madaxweynahayagii, waa guddoomayahaygii xisbiga, imika ayaanan ka soo baxay xafiiskiisii” ayuu yidhi Xighayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf

Xogsoor Media.Net

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here