Laascaanood(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,ayaa kaga badiyay wasiirka horumarinta khayraadka Biyaha Saleebaan Cali Koore Somaliland munaasibad ay ka wada qayb galeen oo lagu qabtay Laascaanood.
labada wasiir ayaa ka wada qayb galay islamarkaana hadal ka jeediyay xafladda qalin jebinta ardayda jaamacadda golis faraceeda Laascaanood oolagu qabtay xarunta Jaamacadda ee Laascaanood xarunta gobolkaSool.
munaasibadda loo qabtay ardayda qalin jebisay,ayuu guddoomiyaha Jaamacadda Golis faraceeda Laascaanood uu sheegay in ay jiraan arday aan awoodin in ay sii wataan waxbarashada jaamacadda sababo dhaqaale awgeed oo aanay iska bixin karin fiiga Jaamacadda Golis faraceeda Laascaanood.
Wasiirka KhayraadkaBiyaha Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Sool oo munaasibaddii Qalin jebinta hadal ka jeediyay,ayaa hadalo dardaaran iyo waano ah ka jeediyay xafladda isla markaana sheegay waxa gobolka ka reebay gobolada kale ee Somaliland in ay tahay dhanka aqoonta ay gobolku uu gaabis ka ahaa muddo badan,waxaanu sheegay in loo baahan yahay in gobolka dhallinyaradiisa wax la barao.
Inkastoo uu ka hadlay inloo baahan yahay in dhallinyarada wax la baro oo ay la jaan qaadaan dhallinyarada gobolada kale haddana,wax kaalmo ah goobta kamaga dhawaaqin oo uu u fidiyay ardayda Guddoomiyaha Jaamacaddu sheegay in aanay dhaqaale la’aan awgeed aanay u soo wadan karin waxbarashada Jaamacadda,iyadoo la filayay in Wasiir Koore oo deegaanka gobolkaSoolka soojeeda marar badanna sheega in uu u taagan yahay horumarinta gobolka Sool in uu ardayda in kafaalo qaado laakiin hadal keliya ayuu kaga gudbay ardaydii dhaqaale la’aantu u saamixi wayday in ay waxbarashadooda sii wataan ee deegaankiisa ka soo jeedayna muu soo hadal qaadin.
Laakiin Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,ayaa hadalkiisa ku bilaabay kaalmo waxbarasho oo uu u fidiyay shan arday oo ka mid ah waxaanu intaa raaciyay in uu amrayo dawladda hoose ee Laascaanood in ay iyaguna bixiyaan laba arday oo ka mid ah ardaydaas waxbarashadooda.
Halkaa kagama hadhin wasiir Kaahin ardayda duruufaha dhaqaale saameeyeen sii wadashada waxbarashadooda ee wuxuu ballan qaaday in inta kalena uu u baadi dooni doono meelo kale oo uu uga helo dhaqaale u saamaxain ay tacliintooda sii wataan.
Haddaba halkan kaga bogo wasiir kaahin oo ballan qaad kaga farxiyay Ardayda Jaamacadda duruuftu ka xannibaysay iyo wasiir Koore oo aan hadalkiisaba mar keliya ku soo darin
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland