Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu sheegay Xoghayaha guud ee Xisbigiisa oo uu ku sheegay in Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbigu in aanu afka Xisbiga ku hadli karin.
Waxaanu taa bedelkeeda sheegay in uu horena ugu hadlayay afka xisbiga kuna hadli doono mar kasta,waxaanu intaa raaciyay in isaga (Jaamac shabeel) iyo Madaxweyne Muuse in aan cidi u dhaxayn karin gaar ahaan xoghayaha guud in aanu soo dhex geli karin dhexdooda oo ay iskaga dhaw yihiin kuwo uu Xoghaye guud Xasan u dhaxayn karo.
Hadalka Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac shabeel,ayaa daba socday hadal uu maanta warbaahinta ka sheegay xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo sheegay in Jaamac shabeel uu shaqsiyaddiisa gaar ahaaneed u hadli karo laakiin aanu afka xisbiga ku hadli karin kuna meteli karin fikirkiisase uu u madaxbannaan yahay.
Jaamac shabeel oo hadalkaa daba socda ayaa sina kaga jawaabay in afka xisbiga uu ku hadli karo xilli kastana uu ku hadli doono horena uu ugu hadli jiray.
Haddaba jawaabta Guddoomiye Jaamac Shabeel halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland