Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Farriid), ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo lagu durayay golaha xukuumadda ee uu ka tirsan yahay, eedahaasi oo lagu sheego in ay yihiin wasiirro wada dhallinyaro ah, waxaanu taa bedelkeeda sheegay in golaha wasiirada Somaliland ku dhisan yihiin qaaciido laga dheehan karo mustaqbalka Somaliland.
Wasiir Cabdiqani Fariid, waxa uu sheegay in golaha wasiirrada Somaliland ay isugu jiraan wasiirro hore oo ruug caddaa ah, wasiirro dhexe oo muddo soo shaqeeyay iyo wasiirro dhallinyaro ah oo saaxadda siyaasadda Somaliland ku soo biiray oo ah jiil cusub oo mustaqbalkii ummadda ah.
Haddaba warkaas oo Faah Faahsan halkan hoose ka daawo
Xogsoor Media.Net/ Xogsoornews.com
Hargeisa Somaliland