Ahvaz (Xogsoor Media.Net):- Dablay hubaysan,ayaa weerar ku qaaday ciidanka dalka Iiraan oo dabbaal deg samanayay lagu xusayay sanad guuradii ka soo wareegtay dagaalkii dalkaas dhex maray dalka Ciraaq sannadihii sideetamaadkii magaalada Ahvaz weerarkaas oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay ciidanka Iiraan.
Dablayda hubaysan ayaa rasaas ku furay ciidammada Iiraan oo gaado ka ciyaar kusoo bandhigayay magaalada Ahvaz oo ku taalla koonfur galbeed dalkaasi, waxaana ku dhintay 24 qof halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Dablayda ayaa weerarka kasoo qaaday barxad u dhaw goobta ay ciidammadu ku sugnaayeen, waxaanay xidhnaayeen dirayska ciidanka millatariga, Warbaahintu waxay sheegtay in loo malaynayo in weerarka ay soo qaadeen kooxo jihaad doon ah.
Xukuumadda Iiraan ayaa u dabaaldegaysaa sannadguuradii kasoo wareegtay bilawgii dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan sannadihii 1980-kii ilaa 1988-dii, waxaana ciidammada millitariga dalkaasi ay soo bandhigayeen gaado ka ciyaar lagu xusayo munaasabadda.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya ciidammo dhaawac ah oo goobta laga qaadayo.
Weerarka dableyda ayaa socday muddo 10 daqiiqo ah balse laammaha ammaanka Iiraan ayaa hadda la wareegay goobta oo xaaladda dejiyay, sida ay kusoo warramayso warbaahinta xukuumadda Iiraan.
Siddeed kamid ah ciidammada Iiraan iyo weriye ayaa ku dhintay weerarka, sida ay wararka sheegayaan.
Cali Xuseen XuseenZadeh oo ah ku-xigeenka badhaasabka gobolka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in laba ka mid ah dablayda la dilay halka labo kalena la xidhay.
Magaalada Ahvaz ayaa ka mid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee dalkaasi oo ay ka socdeen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dowladda oo ay shacabku kaga cabanayeen sicir barar iyo qiimaha badeecadaha oo sare u kacday.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland