Muqdisho(Xogsoor Media.Net):- Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilalaan noocooda hore loo arag oo bulshada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho aad uga yaabiyay oo noqday ay bulshadu qaadan kari wayday isla markaana aad uga yaabiyay ciidamada Ammaanka
Falalka dilalka ah ee maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho,ayaa kala ahaa gabadh yar oo sagaal sano jir ah oo ardayad ahayd oo ku dhimatay rasaas uu riday askari ka tirsan ciidanka dawladda taasoo rasaastii askariga dawladdu uu riday ay ugu tagtay baskii ay ardaydu saarnaayeen oo ay ugu geeriyootay,inantaa yar oo la odhan jiray Deeqa Daahir Faarax
Waxaa kale oo la helay wiil aad u yar oo shan sano jir ah oo xaafadooda ka ambaday isla markaana qoyskoodu baadi goobayay oo isna meydkiisa laga helay gaadhi lagaga tegay xaafadda Jungalka ee degmada Yaaqshid. Wiilkaa yar oo lagu magacaabi jiray Sufyaan Cismaan Barre.
Waxaa kale oo dilalka arxan darada ah ee maalmihii u dambeeayay magaalada Muqdisho ka dhacay ka mid ahaa fal dil ah oo laga dhex fuliyay fasal jaamacadeed oo lagu dilay ardayad ku guda jirtay dhigashada casharkii Jaamacadda oo lagu magacaabi jiray Aamino Xuseen Xasan.
Waxaa dilalka maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka dhacay ka mid ahaa dilka marxuum Axmed Mukhtaar Saalax oo inta la dilay hadana la gubay,dilkaas oo la sheegay in ay sababtay guur wiil ka soo jeeda beesha Jareer Wayne iyo gabadh ka soo jeeda beelaha Muqdisho oo ay ka cadhoodeen ehelada gabadhu isla markaana dil iyo gubis ku fuliyeen oday Axmed Mukhtaar Saalax. Oo ka mid ahaa ehelada qoyska inanta guursaday ee laga cadhooday.
Dilalka noocan ah oo aan ka dhex dhici jirin guud ahaan Geyiga ay Soomaalidu degto,ayaa noqday kuwo maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayo iyadoo ay hadal hayntooda sii kordhisay markii dilba dilka uu ka dambeeyay uu ka sii argagax waynaaday iyadoo aad loola yaabannaa gabadha yare e sagaal sano jirka ah ee ku dhimatay gacanta ciidanka dawladda ,ayay haddana ka daba timi ninka la gubay ee dilkiisuna uu ka dhacay cadho guur.
Waxaa kale oo ka dambaysay ardayada Jaamacadda Soomaaliya lagu dhex dilay iyowiilka yare ee shan sano jirka ah ee maydkiisa ciijinta lagu dilay laga dhex helay gaadhiga.
Dilalkan ayay ciidanka booliska gobolka Banaadir sheegeen in ay dad badan u soo qab qabteen waxaana wali dadka Muqdisho ku nool ay ka argagaxsan yihiin dilka carruurta aan siqiirka ah ee labadii maalmood ee ugu dambeeyay Muqdisho lagu dilay iyo ardayadda fasalkii Jaamacadda lagu dhex toogtay iyo dhacdada kale ee guurka ahayd ee sababtay dilka iyo gubista Marxuumka ku baxay sida boolisku sheegay gacanta qoyskii ay inantu ka dhalatay.
Waxaana lais waydiinayaa sababta ka dambaysa in carruur la dilo oo waliba ilmo yar oo ambad ah oo shan sano jir ah oo siqiir ah dhalisay in ladilo oo waliba cunaha la qabto ama laciijiyo oo gaadhi lagaga dhex tago Meydkiisa xilli qoyskooda oo dhammi ay baadi goobayaan ilmaha ka mabaday gurigooda.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@Hotmail.com
Hargeisa Somaliland