Laascaanood(Xogsoor Media.Net):- Weftiga nabadaynta colaadda labada beelood ku dhex martay koonfurta gobolka Sool u jooga gobolkaas ayaa soo kormeeray deegaanada labada beelood ee dirirta soo noqnoqotay ay dhex martay.
Weftiga ooka kooban dawladda iyo madaxdhaqameed reer Somaliland ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,madaxdhaqameed iyo culimo awdiinka reer Somaliland oo kormeer ku soo maray deegaanada koonfurta gobolka Sool ee ay labada beelood degaan ayaa ku adkeeyay bulshada ku dhaqan deegaanada miyiga ah ee ay socdaalka ku tageen in ay nabad gelyada illaaliyaan oo ay ku dhaqmaan xabad joojinta waxgaradka labada beelood,dawladda iyo culimada iyo madaxdhaqameedka reer Somaliland ay wada gaadheen.
Waxaa kale oo lagu adkeeyay dadka deegaanada weftigu ay mareen ku dhaqan in ay ka fogaadaan wax kasta oo nabad gelyada labada beelood iyo xabbad joojinta la wada gaadhay waxyeelayn kara.
Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@Hotmail.com
Hargeisa Somaliland