Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa ka dareen celiyay ku biiridda xisbiga UCID ee Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo ku dhawaaqay in uu ka baxay xisbiga KULMIYE isla markaana uu ku biiray xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.
Waxaa kale oo uu sheegay guddoomiye Faysal Cali Waraabe in Ramaax iyo dadka la midka ahi marka ay ku soo biiraan xisbiga UCID in ay salad Shugri tukdaan halka uu taa bedelkeedana tilmaamay in ay jiraan dad marka ay ka tagaan ay sidoo kale Salaad Shugri ay tukadaan.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in bulshada reer Somaliland ay tahay bulsho illawshooyo dhaw oo aan waxba xasuusan isla markaana aan dib u dhugan taariikhda.
Waxaanu caddeeyay in xisbiga UCID uu xaflad weyn oo looga yimaado dhammaan gobolada Somaliland in ay u qaban doonaan Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.
Waxaanu ku ammaanay guddoomiyihii hore ee gobolkaGabilay masuul wax qaban kara isla markaana ka soo shaqeeyay lix gobol oo Somaliland ah oo uu guddoomiye ka soo noqday.
Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland