Xisbiga WADDANI oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Dagaal Puntland Ku Dhawaaqday “Puntland Ruush Maaha Somalilandna Yugrayn Maaha .”

0
487

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Ku-meel gaadhkaah ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalka soo yeedhay Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland oo ay ku hanjabeen.

Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde,ayaa sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya,ay xuduud wadaagaan isla markaana xadkoodu uu ahaa kii ay ka dhaxleen maxmiyadihii Ingiriis ee Somaliland iyo Talyaani ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu si adag uga hadlay dedaalo nabadeed oo ay beesha caalamku ka dhex wadday Somaliland iyo Puntland oo ay ku doonayeen in ay nabad ku soo dabbaalaan xaaladda colaadeed ee ka dhex jirta Puntland iyo Somaliland oo uu caddeeyay in cidda diiddan ee aan nabad diyaarka u ahayni in ay tahay Puntland.

Waxaa kale oo uu sheegay in Xisbiga Waddani ku garab taagan yahay xukuumadda xilka haysa difaaca dalka oo ay isku raacsan yihiin qaran ahaan.

Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here