Madaxweyne Muuse iyo Guddoomiye Cirro oo Dhambaal Hambalyo u Diray Bulshada Somaliland iyo Shucuubta Islaamka

0
525

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridkaah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa dhambaallo hambalyo ah u diray  shacabka Somaliland iyoguud ahaan shucuubta Islaamka oo ay ku hambalyeeyeen munaasibadda Ciidal-Adxa oo maalinta Berri ah laga tukan doono dunida oo dhan.

War-saxaafadeed  ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Madaxweyne Muuse ku gudbinayay dhambaalka Hambalyada ah ayaa u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasabadda ciidul-adxada oo habeenka caawa ah ku beegan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu  guud ahaan shucuubta Islaamka Eebbe uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo barwaaqo, isaga oo xujayda sanadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.”

dhinaca kale war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga Waddani oo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu dhambaalkiisa hambalyada ah ku yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wuxuu guud ahaanba shucuubta Muslimiinta ah, gaar ahnaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyeynayaa munaasibadda Cidal-adxa oo ku beegan berry 21 8/ 2-18 Waxaan shuucubta islaamka alle uga baryeyaa inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo bash-bash.”

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). waxa sidoo kale si gaara hambalyo ugu dirayaa Ciiddammada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xaasaskooda, caruurtooda iyo weliba shaqaale-weynaha, iyo guud ahaan-ba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan gudo iyo dibad-ba, isagoo ku hambalyeynaya munaasabada qiima badan ee ciidan Ad-xada Awgeed oo ku beegan maalinta Beri 21 /8/2018, waxaanu u rajaynaya inay ku ciidaan caf iyo caafimaad .

Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Cirro, waxa umadda reer Somaliland ku hambalyeynayaa munsabaada qiimo badan ee Ciidal Adxada,waxaanu illaahay uga beryayaa inuu nabad iyo caafimaad qab ku gaadhso ciidan ciideeda bulshada reer Somaliland iyo barwaaqo.”

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here