Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka WADA JIR oo Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo si wayn u dhaliila,ayaa sheegay in aanay xirfad iyo wax wanaajin ahayn magacaabis uu dhawaan sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku magacaabay ku-xigeenka hay’adda amniga iyo xil ka qaadis uu sameeyay.
Waxaanu ku tilmaamay in ay tahay nin jeclaysi iyo dano gaar ahaaneed oo Madaxweynuhu ka leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista uu sameeyay.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban oo uu arintaasi kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa ku yidhi sidan.”Magacaabista iyo xil ka qaadista hay’adaha nabad gelyada ma aha kuwo xulasho xirfad, aqoon iyo waaya aragnimo lagu doortay. Mana aha tallaabo u adeegaysa ujeedkii ahaa dhismaha ciidan Qaran oo nabadgelyada xajiya, Al-shabaab ka guulaysta, AMISOM na kala wareega masuuliyada Amniga.
Waxaa ka muuqata qof jeceleysi, iska indha tir waaqaca deegaan ee laga hawlgelayo iyo u dabac sanaan Alshabaab, maadaama xubnaha qaar la oran karo waa taliyayaal labada dhinac.
Waxaa muuqata in ay laba midkood tahay,
1- Quus iyo jahwareer, maadaama isbdelka caynkaan ah uu markii afraad yahay.
2- ama tijaabo san ka taabasho oo la mid ah tii Jubaland lagu dayey, dhici kartana in la qaado talaabooyin dad badan lagu beegsanayo, taasoo colaad hor leh hurin karta.”
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland