Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqasho ku Tegaya dalka Jabuuti Xilli Xidhiidhka Labada Dal Mugdi Soo Kala Dhex Galay

0
394

Muqdisho (Xogsoor Media.Net)- Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah socdaal ku tagodalka Jabuuti xilli aanu wanaagsanayn xidhiidhka labada dal oo uu mugdi soo kala dhex galay.

Ka dib marmii dawladda Jabuuti ay si weyn uga cadhootay codsi uu Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay xarunta dalka Eratiya ee Asmara,codsigaas oo ahaa in cunaqataynta laga qaado dalka Eratariya.

Codsigaa Madaxweyne Farmaajouu Asmara ka jeediyay ayay dawladda Jabuuti u aragtay  inuu ahaa mid  qalad ku ah Madaxweynaha Soomaaliya inuu jeediyo iyadoo ay Eratariya dhul ka haysato Jabuuti.

Waxaanay dawladda Jabuuti arrintaa ku tilmaantay mid aanay ka filayn Soomaaliya oo ay sheegeen in ay isgarab taageen isla markaana in ay dawladda Soomaaliya cagaheeda isku taagtao ay tacab badan geliyeen.

Socdaalka Berri ee Madaxweynaha Soomaaliya oo aan la shaacin ujeedadiisa ayaa la filayaa in arrimaha uu u tegayo ay ka mid tahay in uu Madaxweynaha Jabuuti kala xaajoodo xidhiidhkooda mugdigu kalal galay iyo in uu shakiga  Jabuuti ka qaadday hadalkii uu Asmara kajeediyay in uu ka soo shaafiyo.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here