Dhismihii Labaad ee Xukuumadihii Hore Bixiyeen Oo Xukuumaddu joojisay

0
499

Hargaysa (Xogsoor media.net):-  Xukuumadda Somaliland,ayaa hakisay Dhismihii labaad ee ay bixiyeen xukuumaddihii ka horreeyay xukuumadda talada haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Waxaanay hakisay dhismaha  Xaruntii Hore ee Maktabadda Gaandi oo  dhimaca ku haya Saldhigga dhexe ee Booliska ee caasimadda Hargeysa oo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay ku wareejisay shirkadda Al-Xarbi

Todobaadkii ugu dambeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qaaday tallaabooyin uu gacanta dawladda dib ugu soo celinayo xarumo muhiim ah kuwaas oo isugu jira dhismeyaal iyo shirkaddo gaar loo yeeshay.
Waxa gacanta dawladda Dib loogu soo celiyay Kaydka Haamaha Shiidaalka Berbera iyo waaxda amniga Ee Madaarka Hargeysa, halka hudheelkii Hargeysa Club oo isna xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ay siisay Suldaan Siciid Yuusuf la hakiyay dhisme ka socday.

Inksatoo aanay xukuumaddu faah faahin cad ka bixin hakinta dhismeyaasha ka socday Hargeisa Clup iyo Maktabaddii hore ee Gaandi,ayay bulshadu aad ugu dheg taagaysaa in ay war cad ka helaan sababaha loo hakiyay iyo in tallaabada lagu soo celinayo hantidii ay bixiyeen Xukuumadihii hore in ay yihiin kuwo sii soconaya oo aan meelo gaar ah beegsanayn iyo in klae.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here