Jamaal Cali Xuseen oo Go’aankii Haamaha Lagula Wareegay Hambalyo iyo Digniin Uga Wada Diray Madaxweynaha

0
448

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE isla markaana ah aqoonyahan dhaqaalaha ku takhasusay muddo badanna  dalal kala duwan kaga soo shaqeeyay,ayaa ka hadlay go’aankii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib gacanta dawladda ugu soo celiyay haamaha kaydka shidaalka ee Berbera.

Waxaanu sheegay in Haamaha kaydka shidaalka Berbera in ay hudnaan gaar ah qarankau leeyihiin isla markaana uu markii horeba ka soo hor jeeday in haamaha shirkado gaar ah lagu wareejiyo xilligaas oo uu ahaa musharax u taagnaa jagada madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID intaan khilaaf isaga iyo guddoomiye Faysal ka dhex qarxay uu xisbiga kaga tegay kuna biiray xisbiga KULMIYE.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay digniin uu u diray Madaxweynaha Somaliland oo uu uga digay in  mar kale ay dhacdo in shirkado kale oo gaar ah in lagu wareejiyo.

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo u warramay laanta afka-Somaliga ee VOA,Warkaas oo dhammaystiran halkan ka dhegayso.

 

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here