Wasaaradda Caafimaadka oo Barnaamij Weyn ka Bilawday Gobolka Sool

0
414

Hargaysa (Xogsoor Media.Net) Wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka bilowday mashruucii ugu ballaadhnaa dalka ee caafimaad, kaas oo lagu dawaynayo dadka bukaan socodka ah oo loogu talo galay in lagu daweeyo dad ka badan kun qof.

Adeegan caafimaad oo shalay si rasmi ah uga furmay cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood, ayaa waxa hirgalinaysa hay’ada Kuwayt Jaarati, waxaana fulinaysa wasaaradda caafimaadka Somaliland, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan fulintiisa toban dhakhtar oo ajaanib ah, kuwaasi oo ku takhasusay xannuunnada kala duwan iyo dawayntooda.

Xafladdii lagu daahfurayay adeeggan ayaa waxa ka qayb galay, maamulka heer qaran iyo heer degmo iyo masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Sool. Waana mashruucii ugu ballaadhnaa ee noociisa ah ee laga hir geliyo gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland, kaas oo loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan dadka gobolka Sool ee u baahan baadhitaan iyo dawayn caafimaad oo ah nooca loo yaqaan bukaan socodka ee sida joogtadaha ah maalinkasta loogu baadho, looguna fidiyo adeeg dawayn ah cisbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Sool iyo madaxda wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa bulshada ku dhiiri geliyay in ay ka faa’iidaystaan muddada uu socdo mashruurcani baadhitaanka iyo dawaynta ah ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ka fulinayso gobolka Sool. Taas oo ay tilmaameen in ay ka mid tahay tallaabooyinka daryeelka bulshada ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku horumarinayso adeegyada bulshada loo hayo.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here