Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka gaashaandhigga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(XAWAR)oo maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay soo Af-jarida xaalada taliye Col Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo muddooyinkii u dambeeyey ciidanka qaranka ka ahaa dibad wareeg kadib markii uu galay duurka deegaanada gobolka Sanaag, warar dheeraad ah oo ka soo baxaya ayaa sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Higle oo ah duleedka magaalada Qardho ee maamulka Puntland.
Waxaanay wararku intaa ku darayaan in uu Puntland waydiistay saldhigyo Millatari isla markaana uu wado qorshe uu jabhad ku samaynayo.
Wasiir Xawar,ayaa yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya. ’’Wada hadal waa jiraa dabcan waa lala hadlaa oo xidhayaashiisa ayaa la hadla iyo odayaashiisa Maqaam kasta ha gaadh-siis naadaane, Saraakiisha iyo taliska ciidankaa la hadlay hadana waaxaad moodaa in aanu waxaas oo dhan dhag u dhigayn oo aanu wax ku qaadan anaguna hada waxaanu taaganahay halkii ugu danbaysay oo aanu xal waara oo ay hawshaasi ku so oaf-jarmi lahayd aanu ka gaadhno’’Ayuu yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar).
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay Wasiirku in ay xukuumada u yaalo so oaf-jarida arintaasi Taliyaha waxanu mar kale yidhi(Ama Nabad gelyo aanu ku dhamayno oo wali Jaanis furan ah, oo dad wax garad ah iyo taliska iyo wasaaraduba aanu eegno ilaa heer Madaxwayne haduu taas ku caasiyo oo uu xal u arki waayana in ka qaran ahaan khasab nagu tahay in sida laga fursan waayo aanu ku so oaf-jarno’’Ayuu Yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed yuusuf(Xawar).
Haddaba halkan ka daawo muuqaalka warka Wasiirka iyo jawaabta Col: Caarre oo taleefanka lagu waraystay.