Addis-ababa(Xogsoor Media.Net):- Dawladda Federaalka Itoobiya,ayaa sheegtay n ay tallaabo adag ka qaadayso cid kasta oo ku lug lahayd shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalooyinka Jigjiga iyo Diridhaba oo sababay qasaare dhimashi,dhaawac iyo hanti la bililiqaystay.
Wasiirka Isgaadhsiinta dawlada fedaraalka Axmed Shide,ayaa sheegay in dawladda Federaalka Itoobiya in ay baadhitaan deg deg ah ku samaynayso ciddii ka dambaysay rabshadihii ka dhacay magaalooyin ka mid ah dawlad deegaanka Somaaliada Itoobiya.
Wasiir shide oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi.“Shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya In badan waxay ka cabanayeen cabashooyin badan iyo ku xadgudubka xuquuqal iinsaanka iyo xad gudub sharci darro ah,dhibaatooyin maamul xumo oo ballaadhan oo shacabku ka cabanayeen iyadoo taas la raacayo waxay isku dayday dawlada federaalka Itoobiya in wada hadal lala sameeyo masuuliyiinta hoggaamiya dawlad deegaanka Soomaalida iyadoo laga duulayo codsiga odayaasha dhaqanka iyo shacabka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka ka jira dawlad deegaanka.iyo in isbedelkii ka dhacay waddanka Itoobiya uu ka hirgalo dawlad deegaanka Soomaalida waxaana raysal wasaare Abay Axmed socdaal kiisii ugu horreeyay uu ku tegay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.”
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland