Dawladda Soomaaliya oo Shaacisay Qasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee uu Geystay Qaraxii Caawa ee Muqdisho

0
446

Muqdisho(Xogsoor Media.Net):- Dawladda Soomaaliya,ayaa ka hadashay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay qarax caawa ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid gaadhi loo adeegsaday,ayaa sababay dhimashada afaf qof  oo mid kamid ahi uu ilmo yar yahay iyo 7 ruux oo dhaawac ah sida ay dawladda Soomaaliya sheegtay.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar oo war-fidiyeenka kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay caawa oo lagu magacaabo Baar Somalia ayaa sheegay in ay ku dhinteen Afar ruux oo mid ka mid ah uu yahay carruur, halka tiro ka badan 7 ruux ay ku dhaawacmeen.

Baarkan oo dhawaan la furay ayaa dhabarka danbe dhinaca laamiga ka xiga Shaleemo Soomaaliya, wuxuu-n ahaa Baar habeenkii dadku kulmaan oo siweyn loo camiro islamarkaana dhawaan la furay.

Gaariga ayaa la sheegay marka uu qarxayay in uu ku sii socday dhinaca waddada aada Dabka, hasse ahaatee markii uu marayay afafka hore ee baarka uu mar kaliya Qarxay.

Goobta waxaa gaaray saraakiisha ciidamada Booliiska oo wada baaritaanno la xiriira Qaraxa iyo halka uu ka yimid madaama xiliyada habeenkii gadiidka isticmaala waddada Maka Al-mukarama siweyn loo baadho

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here