Ardaygii ugu Horreeyey ee Indhoole ah oo Axadda ka qalinjabinaya Jaamacad
Boorame (Xogsoor Media.Net)- Munaasibadda qalin-jabinta dufcadda 72-aad ee ka aflaxaysa Jaamacadda Cammuud ayaa ku beegan maalinta Axadda ee berri oo ku beegan 5-ta bisha August 2018.
Madaxda sare ee maamulka Jaamacadda ayaa warbaahinta qaranka uga warramay hiigsiga iyo horusocodka jaamacadda ee la xidhiidha taabogelinta tacliinta sare ee jamhuuriyadda Somaliland oo ay kaalin hormuud ah kaga jirto jaamacadda Cammuud ee ka dhisan magaalada Boorame.
Guddida maamulka waxbarashadda Jaamacadda Cammuud ayaa tilmaamay in ardayda qalinjabinaysa sannadkan ay wax ka barteen 14 kulliyadood oo jaamacaddaas lagu barto.
Masuuliyiintu waxay intaas ku dareen in kulliyadaha ugu muhiimsan ay ka mid yihiin beeraha, muhindisnimada, sharciga iyo shareecadda, caafimaadka, waxbarashadda, dhaqaalaha iyo kuliyadda sare ee barnaamijka shahaadada labaad ee jaamacadda.
Guddida waxbarashadda iyo masuuliyiinta jaamacadda Cammuud waxay xaqiijiyeen in 834 jaamici ay dhammaysteen waxbarashada jaamacadda oo noqonaya dufcadii 72-aad, waxaana jaamiciyiinta aflaxay ku jira 218 hablood oo noqonaysa Boqolkiiba Soddon, waxaanay xaqiijiyeen in sannadihii u dambeeyey ay hablaha waxbarashada Jaamacadda dhammaystay ay soo kordhayeen. Waxa kaloo tirada wiilasha qalinjabinaysaa gaadhay sannadkan 626 arday.
Iyadoo laga duulayo hiigsiga waxbarashadda qaranka ee tacliinta loo dhan yahay, hore uga baxay jaamacadda Cammuud ardayda waxbarashada baahiyaha gaarka ah ee dhegoolayaasha, waxase markii u horreysay sannadkan ka baxaya jaamacadda Cammuud ardaygii u horreeyey ee indhoole ah, kaasi oo dhammaystay tacliintii waxbarashada jaamacadda ee kulliyada sharciga iyo shareecadda,
Bare sare Prof. Daahir Maxamuud Xaddi ayaa sheegay in jaamacadda Cammuud oo ah hooyadii jaamacadaha dalka la furay 4tii bishii November 1998kii, iyadoo lagu bilaabay arday dhan 66 qof iyo saddex macalin oo bareyaal sare ah.
Xigasho wargayska Dawan
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland