Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal kasoo yeedhay maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar Camay oo Somaliland ku eedeeyay in ay ku lug lahayd qarax is halligaad ah oo ka dhacay magaalada Buuhoodle dadna ku dhinteen.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo ka jawaabayay hadal ka soo yeedhay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Soomaaliya,ayaa ku tilmaamay eedaha uu Somaliland u jeediyay iyo hadalka uu ka yidhi Qarixii ka dhacay Buuhoodle mid ku digasho ah oo ay Puntland caado u leedahay marka Somaliland dhibaato wax gaadhaan in ay ku farxaan.
Waxaa kale oo uu Wasiirku uga digay maamulka Garoowe sheegashada dhul Somaliland ka mid ah oo ay iska sheegashadiisa caadaysteen iyo in ay khal-khalka siyaasadeed ee gudahooda ka jira halkii ay ka maarayn lahaayeen ay shaqo in ay ka dhigtaan hadal haynta iyo wax ka sheegga Somaliland.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in Xukuumadda Somaliland ay ka xuntahay qaraxa ka dhacay Buuhoodle isla markaana la damqanayso ehelka dadkoodii ku dhinteen ugana tacsiyaynayso iyo in ay xukuumaddu baadhitaan ku samaynayso qaraxaasi halkii uu ka yimi iyo in dhaawicii dawayntooda ay gacanta ku hayso.
Wasiir Maxamed Muuse Diiriye waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargayska Dawan.
Ugu horrayn wasiirka oo ka jawaabayay hadalka ka soo yeedhay madaxweyne ku-xigeenka Puntland,ayaa yidhi. “horta ninka Garoowe kasoo hadlay ee Somaliland oo dadkeedii lagu qarxay ku eedaynaya in ay qarxisay waxaan u aragnaa in ay ku wiirsasho tahay ee aanay wax kale ka ahayn waxaanu na tusay sida Puntland ugu faraxsantahay dhibaatada iyo dhimashada ka dhacday Buuhoodle halka qaraxu ka dhacay waa Somaliland cidda ku dhimatayna waa Somaliland,xukuumad iyo shicibba waxaanu la damqanaynaa oo aanu la qaybsanaynaa murugada iyo tiiraanyada tacsida qoysaska iyo ehelka dadkoodii ku dhinteen Somalilandna baadhitaan rasmi ay ayay ku waddaa qaraxaas iyo halkii uu ka yimi sida Madaxweynaha qaranku amar ku bixiyay. Puntlandna waxaan uga digaynaa in ay ku celceliso sheegashada dhul iyo dad reer Somaliland ah oo ay marba tidhaahdo waa anna.”
Wasirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. “Somaliland marar kala duwan ayay kooxaha shar wadayaasha ah dagaal la gashay oo illaa madaxtooyada Somaliland iyo xarumo kale oo safaarado iyo hay’addo caalami ahi ay leeyihiin ayay bartilmaameed sadeen caalamkuna wuu ogyahay halka ay kala taagan yihiin argagixiso iyo Somaliland,waxaana naga go’an ka xukuumad ahaan in aanu baadhitaanka noo socda ka dib xog rasmi ah ka soo saarno qaraxa Buuhoodle.Puntlandna waxaanu leenahay waxay ahayd in aad dhamaysataan arrimaha dhexdiina ee xalka idiinka baahan iyo doorashooyinkiina oo aad dadkiina dantooda ka shaqaysaan laakiin markay taasi idnku cuslaatay inaad Somaliland shaqo ka dhigataan. Mar labaadbna waxaan idiinka digaynaa in aad ku celisaan sheegashada dhul iyo dad reer Somaliland ah taasoo xad gudub ku ah qawaaniinta caalamiga ah iyo xuduudaha ay dalalku wadaagaan,Somaliland waa dal iyo dad keliya oo qaran keliya ah xukuumaddana waajibaadkeeda koobaad ayay tahay difaaca dalkeedu.”
Xigasho wargayska Dawan
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland