Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay kor u kacayay oo sii badanayay aqoonyahanka caalamka ee ka hadlaya qaddiyadda aqoonsiga Somaliland islamarkaana dalalkooda u soo jeedinaya in ay ictiraafaan Somaliland.
Haddaba Aqoonyahan Geoffrey Clarfield, oo u dhashay waddanka Canada, ayaa ku ammaanay dimuqraadiyadda iyo dawladnimada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay “dal dimuqraadiyadiisu u dhowdahay kuwa dalalka reer galbeedka oo aan haddana haysanin aqoonsi caalamiya.”
Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa ka soo xigatay wargeyska National Post xalay warbixinta Geoffrey Clarfield oo ah aqoon-yahan ku takhakhusay cilmi nafsiga oo muddo dheer ka soo shaqeeyey Afrika, bariga dhexe iyo Asia, waxaanu iftiimiyey in Somaliland tahay waddan ku yaalla Geeska Afrika oo xeebtiisu ka caagan tahay budhcad baddeeda, waxaanu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka jirto xasilooni buuxda, dawlad iyo goleyaal la doortay isla markaana dimuqraadiyadeedu tahay mid buuxda oo shabahda kuwa dalalka dunida reer galbeedka.
Geoffrey Clarfield wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay si weyn uga duwan tahay Soomaaliya oo ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay, waxaanu dawladda Soomaaliya ku masaalay mid aan xataa awoodin inay wada xukunto magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeeda.
Sidoo kale waxa uu xusay in Somaliland aqoonsi ka raadinayso beesha caalamka oo lagu tixgeliyo dimuqraadiyada iyo la dagaalanka budhcad baddeeda.
Geoffrey Clarfield waxa uu sheegay haddii dawladda Canada ay aqoonsan waydo Somaliland inay tallaabadaasi waxyeelo ku tahay masaalixda Canada, isla markaana ay la mid noqon doonto laba wejiilenimada boqortooyooyinka adduunka oo dunida soo koraysa ku dhiirigeliya ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiyada, marka la hirgeliyana aan wax taageero ah ku bixin arrintaas.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland