Jaamac Riyo: Xildhibaan’Madaxdhaqameed iyo Hal-abuur ka Baxay Qaranka Somaliland

0
679

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- ALLE ha u naxariistee waxaa maanta  ku geeriyooday magaalada Hargeysa isla shalayna lagu aasay Hargeysa Marxuum, xildhibaan Jaamac Faarax Axmed(Jaamac riyo) oo ka mid ahaa mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland.

Marxuum/xildhibaan Jaamac Riyo, oo muddoba xanuunsanayay ayaa maanta xaqqii ALLE ku yimi oo geeriyooday laguna aasay Hargeysa.marxuumka,ayaa ka mid ahaa madaxdhaqameedka iyo golaha guurtida Somaliland isla markaana ahaa abwaan iyo suugaanyahan caan ka ah geyiga Soomaalidu ay degto.

Marxuumka,ayaa muddo badan ku soo jiray saaxadda fanka Soomaalida waxaanu ka midahaan jiray kooxdii la odhan jiray ONKOD ee ciidankii Asluubta ee dawladdii laisku odhan jiray Soomaaliya,kooxdaas oo uu ka mid ahaa tiir dhexaadka ay ku duusho isagoo ahaa heesaa,jilaa iyo abwaan riwaayadaha iyo heesabaha curiya isla markaana laxanka sameeya.

 

Markii ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay waxaa uu ka mid noqday bahda fannaaniinta qaranka isagoo ka soo qayb qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii qaranka Somaliland.

Waxaanu soo saaray suugaan badan oo uu qaarna sameeyay kuwona uu laxanka iyo qaadistaba ku lahaa oo qaranka Somaliland horumarkiisa iyo wada jirkiisa lagaga hadlayay isla markaana bulshada lagu hoga tusaalaynayay.

 

Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka hadlay oo qaranka Somaliland ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo labada guddoomiye Xisbi qaranka ee WADDANI iyo UCID.Cabdiraxmaan Maxamrd Cabdilaahi(Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Somaliland ayaa marxuumka ku sifeeyay tiir dhexaad qaranka ka baxay,waxaana lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada sidan.  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 29/07/2018, magaalada Hargeysa.

 

madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey xubin firfircoon oo ka baxday golaha guurtida Somaliland iyo bahda Fanka iyo suugaanta oo uu marxuumku ka tirsanaa intaanu ka mid noqon xubnaha golaha guurtida Somaliland oo uu hada ka mid ahaa.

 

Waxaanu marxuumku kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, isagoo suugaan iyo wacyigelin kaga qayb-qaatay wada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxaanu marxuumku caan ka ahaa dhammaan dhulka Somalidu degto.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Dhinaca kale labada guddoomiye xisbi ee WADDANI iyo UCID,ayaa dhankooda tacsi qaran ka diray,waxaanay guurtida,bahda fanka,qoyskii ehelkii,qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum/abwaan Jaamac Riyo Alle uga baryeen in uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaanay Marxuumka ALLE uga baryeen in uu u naxariisto oo uu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Marxuumka,ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii dhaqan ee madaxdhaqameedka ee uu ahaa,kaalintii guurtinimo ee uu kaga tirsanaa golaha guurtida Somaliland iyo kaalintii faneed iyo qoraa ee uu kaga jiray bahda fanka iyo qoraalka Soomaalida.

Waxaana si weyn loogu xasuusan doonaa heeso waddani iyo jacaylba leh oo uu qaaday muddadii uu fanka Soomaalida ku jiray,waxaa kale oo lagu xasuusan doonaa filim dhaqan ah oo bulshada afka-Soomaaliga ku hadashaa ay daawatay qaybihiisa kala duwan oo ahaa wacyi gelin  iyo hogatusaale wanaagsan oo uu uga tegay bulshada  Soomaalida ah iyo inta afkooda ku hadashaba.

Waana filimka DAWO MALE HINAASUHU.

Waxaa kale oo uu Marxuum Jaamac Riyo qoray sheeko la odhan Jiray GUUR SOKEEYE WAA NACAB JACAYL.

Maaha wax la soo koobi karo suugaanta uu curiyay iyointa tirada badan ee uu Marxuumku qaaday muddo  badan oo uu kamid ahaa bahda Fanka Soomaalida oo ka soo bilaabantay yaraantiisii illaa uu noqday mid ka mid ah xidigihii calanka u siday kooxdii caanka ahayd ee ONKOD.

 

Marxuumka ayaa ku dhashay Burco sannadki 1959-kii.waxaanu yaraantiisii ku soo barbaaray waxbarashada quraanka iyo isguulkana ka bilaabay magaaladaBurco.

Marxuumka ayaa ka tegay qoys  ka kooban  xaas iyo carruur.

Dhinaca kale dhammaan madaxda,Xogsoor  Media.Net,tifaftireyaasha,wariyeyaasha iyo dhammaan hawl wadeenada Xogsoor  Media.Net waxay tacsi u dirayaan guud ahaan bulshada qaranka Somaliland ee uu ka baxay xildhibaan/abwaan/jiif caaqil Jaamac Faarax Axmed(Jaamac Riyo) oo shalay lagu aasay magaalada Hargeysa.

Waxaanay si gaar ah tacsi ugu diyaraan qoyska uu marxuumku ka baxay oo ay leeyihiin ALLE samir iyo iimaan ha idinka siiyo.\

Waxaanay Marxuumka ALLE uga baryayaan in uu u dambi dhaafo oo uu jannooyinkiisa ugu deeqo Innaalillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here