Xog sirdoon: Maraykanka oo la Ogaaday inuu Bisha soo Socota Weerar ku Qaadayo Dalka Iran

0
442

Dawladda Maraykanka ayaa qorshayneysa inay weerar gantaallo ah ku qaado goobaha Nuclear-ka dalka Iran bisha soo socota, sida uu kashifay sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Australia.

Telefishinka qaranka Australia ee ABC ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay inuu bixiyo amar weerar oo ka dhan ah Iran. Telefishinka ayaa soo xigtay ilo-sirdoon oo magacooda la qariyey.

Markii warkani uu soo shaac baxay, ayaa ra’iisul wasaaraha Australia Malcolm Turnball waxa uu iska dayey inuu qaboojiyo xaallada, isaga oo warka ku tilmaamay inuu yahay warar la isla dhex-marayo oo aan hubanti ahayn.

“Warka ABC ee laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Australia, aniga la igalama tashan, wasiirka arrimaha dibedda lagama tashan, wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidmada toona lagama tashan” ayuu Turnball u sheegay ABC Radio.

Telefishinka ABC ayaa sheegay in saldhigga ugu sarreeya sirdoonka dalkaas ee Pine Gap uu kaalin ka qaadan karo cayimidda goobaha weerarka lala beegsanayo ee dalka Iran.

Warkan ayaa imanaya iyada oo Trump uu toddobaadkii hore ugu hanjabay Iran inay la kulmi doonto cawaaqib aan dhicin taariikhda dunida haddii sida uu sheegay ay u hanjabto Maraykanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here