“Nimanba Baarlamaanka Waxaan Leeyahay Idinkaan Shari Ku Joogin.”Guddoomiye Faysal  Cali Waraabe

0
479

Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha xisbiga mucaariska ah ee UCID En Faysal Cali Waraabe,ayaa difaacay kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya,waxaanu intaa ku daray in aanu Somaliland ka jirin sharci mamnuucaya in madaxda Soomaaliya lala kulmi karo oo salaan iyo wada sheekaysi lala wadaaagi karo.

Waxaa kale oo uu sharci darro ku sheeay golaha baarlamaanka Somaliland oo dhawaan soo saaray xeer mamnuunaya in madaxda asxaabta iyo shaqsiyaadka caanka ahi in ay la kulmi karaan madaxda dawladda Soomaaliya.

Waxaanu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Somaliland in ay sharci darro ku fadhiyaan oo aanay ku joogin doorasho ddweyne laakiin muddo korodhsi an sharci ahayn ay ku fadhiyaan isla markaana waxa ay soo saaraan aanu sharci ahayn.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta markii uu dalka kusoo noqday  la hadlayay boqolaal dadweyne ah oo madaarka ku soo dhaweeyay,ayaa ydhi

“Innaga (Somaliland) sharci innoo yaalla oo la yidhi Wallowayn ha salaamin ma jirin.. dawladnimada Somalilandna meel Faysal Cali Waraabe wax yeelayo maaha.. nimanka baarlamaankana waxaan leeyahay idinkaan sharci ku joogin” ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal oo  ka hadal celiyay hadal uu  kulankii isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya,ayaa sheeay in aanu la ficiltamayn Madaxweynaha Somaliland,waxaany si kooban u ydihi “Annigu la ficil tami maayo Muuse Biixi Kursiga ayuu noo fadhiyaa” ayuu yidhi.

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here