Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargaysa

0
473

Hargaysa (Xogsoor.Medianet)Halkan ka akhri  warkaas oo dhamaystiran

Halkan Ka Daawo ;”Sharcigeena Meelna Kagama Yaalo Wala Weynta Yaan La Salaamin,Aniga Somaliland Layga Baqi Maayo”Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Kulanku La Qaatay FARAMAAJO

Guddoomiyahah xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa lagu soo dhaweeyey madaaarka Cigaal International Aiport oo uu ka soo degay goor dhaweyd kadib markii uu ka soo laabtay shir uu kaga qeyb galay dalka Belgiumka kaas oo loo qabtay dawladda Soomaaliya iyo maamuladdeeda.

 

 

Faysal Cali Waraabe ayaa warbaahinta la hadlay kadib soo dhaweyntiisa waxa uu shegay in u ku faraxsan yahay in dalkiisa si diiran maanta Loogu Soo Dhaweeyo,Faysal waxa Sidoo Kale uu sheegay in aanu ahayn maanta nin looga baqaayo qarannimada Somaliland oo uu yahay nin ku adag.

 

 

“Anigu ma ihi nin maanta Somaliland looga baqaayo,la ficiltami maayo anigu Muuse Biixi,Yaa Ixidhi Kara Guulbaan Sidaaye” Faysal Cali Waraabe ayaa sida yidhi isaga oo u jawaabaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dagaalka Tuke-raq, shirkii Brussels, iyo arrimo kale oo door ah.

 

 

Xisbiga Ucid ayaa isagu dhankiisa hore waxa uu walaac uga muujiyeen in xukuumadda Somaliland ay waddo qorshe ay kku xidhayso guddoomiyahooda.Geesta kale waxaana jira shaki laga qabo in xukuumadu xidho maadaama oo uu ka qaybgalay shir ay Somaliland 

qaadacday oo loo qabtay Somaliya.


Image may contain: 9 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, beard and outdoor

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: one or more people, sky, cloud and outdoor

Image may contain: one or more people and people standing

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing, crowd, sky and outdoor

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

You have 350 characters remaining.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here