Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Farriid),ayaa kulan la qaatay Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise’xubnaha gudida gendaha beelaha Ciise iyo Maayerka magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.
Wasiirka oo socdaal shaqo ku joogay maalmihii u dambeeyay dalka Itoobiya ayaa magaalada Diridhaba kulan booqasho ah ugu tegay Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise iyo xubnaha gudiga gandaha ee beelahaas,waxaanu Wasiirku gaadhsiiyay Ugaaska dhambaal Salaan shafeed ah oo uu uga siday Madaxweynaha Somaliland.
Ugaaska guud ayaa dhankiisa wasiirka uga mahad celiyay booaqashada uu gurigiisa ugu yimi wasiirka caddaaladda Somaliland iyo dhambaalka uu madaxweynaha uga siday.
dhinaca kale wasiirka,ayaa mudadii uu socdaalka shaqoku joogay dalka Itoobiya waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay madax sare oo ka tirsan dawladda Itoobiya
Wasiirka,ayaa socdaalkiisa soodhammaytay isla markaana ku soo noqday xarunta Somaliland ee Hargeisa.
Haddaba kulanka Wasiirka iyo Ugaaska guud oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland