Ceel-afweyn(Xogsoor Media.Net):- Ergada nabadaynta u joogta Ceel-afweyn ee culimada iyo madaxdhaqameedka ah isugu jirta,ayaa maanta dhaariyay labada beelood waxgaradkooda.
Dhaarta madaxdhaqameedka labada beelood maanta la dhaariyay,ayaa noqonaysa markii7-aad ee ay isu dhaartaan.waxaana halkaa ka hadlay madaxdhaqameedka labada beelood iyo culimada ergada nabadaynta ah oo aad ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in nabad gelyo lagu wada noolaado iyo in la dhawro qiimaha iyo sharafta magaca ALLE(ST) uu leeyahay iyo halista dhaarta oo la buriyaa ay keeni karto if iyo aakhiraba.
Haddaba halkan hoose ka daawo warkaas oo dhammaystiran
Xogsoor Media.Net
Hargeisa Somaliland