Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid Si Adag Uga Hadlay Ergo Nabadayn u Tegay Puntland

0
546

Hargeysa (Xogsoor Media.Net): – Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa si adag uga hadlay ergo madaxdhaqameed,ganacsato iyo aqoonyahanno isugu jirtay oo socdaal ay ku sheegeen nabadayn ku tegay Puntland kana soo noqday.

Waxaanu sheegay xildhibaanku arrinta Tuaraq n ay tahayhawl u taalla Xukuumadda oo loo daba fadhiisanayo mucaarid iyo muxaafidba isla markaana ay masuul  xukuumaddu  ka tahay sugidda xuduudaha dalka iyo nabad gelyada.

Waxaanu wax aan la qaadan karin ku sheegay in nabad la dawarsado oo cid aan shaqadaa lahayn loo diro oo si yar oo aan taloqaran ahayn cid gaar ah Puntland loogu diro.

Waxaa kale oo uu sheegay in ergada oo uu tilmaamay in aanay caddayn in xukuumaddu ay dirtay iyo in kale in aan Puntland laga aqbalin wixii ay la tageen.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi  “Waxa aynu ka war haynaa Arrinta Tukeraq oo ay ahayd in ay Xukuumaddu hogaamiso, iyada ayaa ka masuul ah nabad galyada Wadanka, iyada ayaa ka masuul ah sugida Xuduudda, iyada ayaa ka Masuul ah ilaalinta Dalka, Ummada inteeda kale in ay ku ilaaliso oo ay ku dabo joogto Mucaarad iyo muxaafidba Hore ayaa loogu muujiyay.

Waxaase Muuqata Hoggaamintii Halkaas ay xukuumaddu Ka hogaamin lahayd arrinkaa, haddana waxa aynu maqlaynaa waxyaabo kale oo ka soo horjeeda In ay ku lug leedahay iyo in aanay ku lug lahayna aanay caddaynayn, dalkana ku ah waji gabax, nabad la dawarsanayo ayaad arkaysaa oo hadana la soo diiday oo la sheegayo in lagu soo diiday”

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hageisa Ofice

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here