Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ku sugan dalka Caasimadda dalka Biljamka ee Brussles oo lagu qabtay shir caalamiya oo loo qabtay Soomaaliya iyo beesha caalamka isla markaana ay ka soo qayb galeen madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada,ayaa wax laga waydiiyay ujeedada socdaalkiisa Brussles iyo in uu ka qayb galay shirka loo qabtay Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Waxaanu sheegay in Soomaaliya uu ku leeyahay saaxiibbo badan isla markaana wax badani ay kaga xidhan yihiin Somaliland Soomaaliya iyo in wada hadalka iyo salaanta labada qof ee saaxiibka ah in aan laga dhigin wax dhibaato ku ah Somaliland.
Waxaanu aad u ammaanay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Biljamka oo uu sheegay in uu ka war hayo oouu si weyn u caawiyo dhallinyarada reer Somaliland ee Tahriibka ah ee ku go’doonsan Liibiya,halka uu madaxda Somaliland cannaan dhegaha ku jaray.
Haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Net
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland