Ceel-afweyn(Xogsoor Media.Net):- Ergada Culimada Somaliland ee ku sugan degmada Ceel-afweyn,ayaa qudbaddii salaadda Jimce ee maanta kula hadlay dadweynaha deegaanka degmada Ceel-afweyn.
Culimada Nabadaynta u tegay Ceel-afweyn oo ka mid ah ergo miisaan leh oo halkaa u jooga in ay guda galaan nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah ee colaadda soo noq noqotay ku dhex maraysay deegaanka degmada Ceel-afweyn,ayaa maanta salaaddii Jimce kula tukaday dadweynaha deegaankaas,waxaanay culimadu salaaddii Jimce ee maanta ka jeediyeen qudbado ay kaga hadlay nabad gelyada iyo ahmiyadda ay umadda u leedahay iyo halka ay diinta Islaamku ka taagan tahay dhiig la daadiyo.
Sheekh Cabdilaahi Barbaraawi iyo Sheekh Dirir oo isu kala qaybiyay Masjidyada magaalada Ceel-afweyn,ayaa qudbadihii Salaadda Jimce ee maanta kaga hadlay nabadaynta dadka iyo halka ay Diinta Islaamku ka taagan tahay in dadka la walaaleeyo
haddaba halkan ka daawo qudbaddii salaadda Jimce laga jeediyay Masjidka Ceel-afweyn halkan hoose ka daawo.
Xogsoor Media.Ner
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland