Hargeysa(Xogsoor Media.Net):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hadlay heshiiska ay wada gaadheen dalalka Itoobiya iyo Eratariya oo colaad tobanaan sano ahi u dhaxaysay islamarkaana uu dhex maray dagaal dad badani ku dhinteen.
Madaxwyne Muuse,ayaa sheegay in nabadda ay wada gaadheen labada dal iyo heshiiska ay kala saxeexdeen oo lagu soo af-jaray colaaddii labada dal mudada badan u dhaxaysay in ay tahay tallaabo taariikhi ah oo qaarada nabad gelyo u horseedaysa isla markaana mudan in lagu daydo.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay waxay soo dhawaynaysa oo bogaadinaysa heshiiska nabadeed ee Ethiopia iyo Eritrea wada saxeexdeen, heshiiska saaxiibtinimo iyo shaacinta in xaaladdii dagaalku dhammaatay. Waa waa tallaabo taariikhi ah oo
ku dayasho mudan, waxaanay wax ku soo kordhinaysa amniga iyo degenaanshaha guud ahaan gobolka.”