“Bulshada Waxaanu uga Digaynaa Hilibka Qalan Ee Aan La Garanayn in Uu Doofaar Yahay iyo In Kale” Maayerka Wajaale oo Ka Hadlay Hilib Laga Shakiyay oo ay Qabteen

0
506

Wajaale(Xogsoor Media.Net):- MaamulkaDegmada Wajaale,ayaa uga digay isticmaalka hilib qalan oo laga keeno dalka Itoobiya oo aan la caddayn karayn nooca xoolaha ay yihiin sida uu sheegay Maayerka Degmada Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi.

Hilibkan laga shakiyay ee lagu qabtay magaalada Wajaale oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka Booliska degmada Wajaale,ayuu maayer Xaashi sheegay in aanay garanayn nooca xoolaha uu yahay islamarkaana lagu sheegay Beer iyo Kelyo lagana keenay dhanka Itoobita,waxaanu intaa raaciyay in hilibkaaqalan ee ay ka shakiyeen ee ay qabteen ciidanka Boolisku uu yahay hilb aad u badan oo maalin kasta laga keeno danka magaalada Jigjiga xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxaanu walaac ka muujiyay  kalsooonida lagu qabi karo in hilib xoolaad xalaal ah uu yahay iyo in uu yahay Nooc Doofaarka  ka mid ah oo Jig jiga aad ugu badan oo la yidhaahdo Booyadda.

Waxaanu bulshada uga digayisticmaalka hilib aan la hubin xalaalnimadiisa gaar ahaan hilibka qalan ee  laga keeno Itoobiya oo uu sheegay in uu aad u badan yahay isal markaana maalin kasta baabuurta loo yaqaano Noaha-da lagaga soo qaado Jigjiga Itoobiya laguna soo geliyo Somaliland isla markaana halka ugu badan ee la keenaa ay tahay caasimadda Somaliland ee Hargesa.

Haddaba warkaas oo Muuqaal ah Halkan hoose ka Daawo

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here