Qalbi Dhagax oo Ka Hadlay Qaab Xun oo Soomaaliya Ula Dhaqantay Raysal-wasaaraha Itoobiya’Dawladaha Kenya iyo Somalilandna Bogaadiyay’Kana Hadlay Mustaqbalkiisa

0
459

Nairobi(Xogsoor Media.Net):- Cabdikariin Qalbi dhagax oo dhawaan laga soo daayay Xabsi dalka Itoobiya ah oo uu ku xidhnaa muddo badan ka dib markii Dawladda Soomaaliya oodalkeeda ka qabatay ay ku wareejisay dawladda Itoobiya.

Qalbi dhaqax,ayaa sheegay mudadii lagu hayay Soomaaliya  markii laga qabtay magaalada Gaalkacayo illaa Xamar oo la geeyay iyo intii ay gacanta ku haysay dawladda Federaalka Soomaaliya in si xun oo dadnimada ka baxsan loola dhaqmay islamarkaana jarribaad badan lagu sameeyay.

Waxaa kale oo uu ammaanay islamarkaana geesi jid cusub u jeexay siyaasadda Itoobiya ku tilmaamay Raysal-wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed.

Sidoo kale waxaa uu bogaadiyay Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Madoobe iyo dawladda Kenya oo uu sheegay in ay saldhig nabad gelyou noqotay Soomaalida ku soo qaxday.

Waxaa kale oo uu si weyn u bogaadiyay Madaxweynaha iyo bulshada Somaliland oo uu ku ammaanay heerka dimuquraadiyadda ay ka gaadhay Somaliland ee ah qof iyo cod.

Waxaanu ku baaqay in colaadda Tukaraq lagu dhameeyowada hadal.

Haddaba warka Cabdikariin Qalbi djagax oo dhammaystiran halkan ka daawo.

 

Xogsoor Media.Net

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here